Gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxaa toddobaadyadii tagey kusii kordhayey dilalka loo gaysto dhallinyarada Soomaalida ah. Â Dilalkan ayaa waxaa qaarkood gaysta Soomaali kale.
Bishan gudaheed, laba wiil oo Soomaali ah ayaa lagu dilay gobolka, waxaana booliska ay sheegeen inay u qabteen nin Soomaali ah oo la tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey.
Dhinaca kale, tirakoobka shacabka Mareykanka ee anadka soo socda ayaa waxaa lagu soo darey Soomaalida.