Dilkii ugu horeeyey ee Maanta ayaa saakay waxaa uu ka dhacay degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir,waxana loo geystay askari ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya.
Rag hubeysan oo watay Gaari ayaa la sheegay inay Isgoyska Suuqa Beerta ku dileen askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska oo lagu Magacaabi jiray Mahad Gudhuu ay kadibna ay goobta ka baxsadeen.
Dilka labaad ayaa Maanta barqadii waxa uu ka dhex dhacay Gudaha Jaamacadda Soomaaliya (Uniso) Xarunta Baar Ubax waxana loo geystay Gabar ka mid aheyd Ardayda Jaamacadda.
Rag hubeysan ayaa Jaamacadda Gudaha u galay,iyaga oo fasalka dhexdeeda ku toogtay Aamino Xuseen Xasan kadibna ay baxsadeen.
Dilka Saddexaad ayaa Goordhow ka dhacay degmada Hodan gaar ahaan agagaarka Darta seybiyaano.
Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM ayaa waxa ay rasaas ku fureen Nin watay Gaari nooca Raaxada ah,kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Dayax,isla markaana uu geeriyooday.
Dilalka ay geysanayaan dadka ku hubeysan Bustooladaha ayaa ku soo badanaya Magalada Muqdisho,waxana uu ku soo aadayaa xilli Maanta Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidanka booliska uu sheegay in ragga dilalka geysta markii la qabto ay difaacayaan mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.