Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Sarkaal ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda Federaalka oo habeenkii aheyd lagu dilay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay dileen Sarkaalka Ciidanka, xili uu ku sugnaa Garaash ku yaalla xaafadda Kurdamac ee degmada Deyniile, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay
Marxuumka la dilay ayaa waxaa magacaabiisa lagu sheegay Xuseen Sheekh Muxumad (Xuseen Sandheere), waxaana la tilmaamay in xiligii la dilayay uu weeyso qaadanayay salaadii maqrib ee xalay.
Ragii hubeysnaa ee dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, isla markaana waxaa sida caadada aheyd goobta tegay Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka, iyagoona qaaday Meydka Xuseen Sandheere.
Laamaha amniga dowladda Federaalka ayaa ku guuleysan inay gacanta kusoo dhigaan raggii ka dambeeyay falkii ka dhacay degmada Deyliine ee Gobolka Banaadir, hayeeshee dilkaas ayaa waxaa uu ka qeyb noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Muqdisho.