Rag sida la sheegay ku hubeysnaa Bastoolado ayaa gelinkii dambe ee galabta waxa ay gudaha degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir ku dileen askari ka tirsanaa Ciidanka dowlada Soomaaliya.
Dilkan ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda lagu magacaabo Ansalooti ee degmadaasi,isla markaana waxaa loo geystay askariga ka tirsanaa Ciidamada dowlada,kaasi oo xiliga la dilayay ku sugnaa halkaasi.
Goobjoogayaal la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in rag hubeysan oo watay Mooto laba lugaaleey ay dileen askariga,iyagoo durbo goobta ka baxsaday dilkaasi kadib.
Sidoo kale goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa sida caadada aheyd gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowlada,iyagoo halkaasi ka sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan ragga ku hubeysan bastooladaha,waxaana mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-shabaab.