Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay Askari ka tiran Ciidanka Booliska Maamulka Somaliland.
Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag hubeysan oo la aqoon waxa ay ahaayeen ay toogteen Askariga Booliska ahaa, xili uu ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Booliska Magaalada, isagoo lagu dhuftay rasaas, uuna geeriyooday.
Raggii hubeysnaa ayaa goobta baxsaday, isla markaana waxaa rasaas dhowr ku furay Ciidamo ka tirsan kuwa Boolisika Laascaanood oo ku sugnaa agagaarka goobta uu falka ka dhacay, kuwaasi oo maqlay dhawaqa rasaasta lagu dhuftay Askariga.
Sidoo kale Ciidanka Booliska ayaa xaafaddo ka tirsan Laascaanood ka bilaabay howlgal lagu raadinayo dadkii ka dambeeyay dilka Askariga ka tirsan Ciidanka Booliska Somalilnad ee halkaas ka dhacay.
Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Booliska Magaalada oo ku saabsan dilkii dhacay, waxaana xusid mudan in maalmo kahor halkaas ay ka jirtay xiisad u dhexeeysa dadka deegaanka iyo Ciidanka Booliska.