Wararka aan ka heleyno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Maamulka Jubbaland.
Dad ku sugan Kismaayo ayaa waxaa ay sheegeen in dilka loo geystay Askariga ka tirsanaa Ilaalada Xarunta Madaxtooyadda Jubbaland uu geystay Askari kalena oo isna kamid ah Ilaalada Xaruntaas.
Dilka Askariga ayaa waxaa uu kamid dambeeyay, kadib markii labada Askari uu soo kala dhex-galay muran kooban oo faah faahin laga bixin waxa uu ku saabsanaa, hayeeshee mid kamid ah Askarta la toogtay.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga dilka geystay uu isku dayay inuu baxdo, balse Ciidamo kale oo goobta ka Agdhawaa ayaa gacanta ku dhigay, isla markaana waxaa lagu xiray Saldhig Ciidan oo ku yaalla halkaas.
Weli ma jiro wax war ah oo baxay Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadda Jubbaland oo ay uga hadlayaan dilkaas xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.