Dil ka dhacay degaan ka tirsan Gedo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas xalay lagu dilay qof shacab ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Rag dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolad ayaa Nin shacab ah ku dilay deegaanka Garbooley ee hoostega Luuq, waxaana dhowr xabadood looga dhuftay qeybaha sare ee jirka, isagoo isla goobta ku geeriyooday.

Ciidanka dowladda Federaalka ee ku sugan Luuq ayaa ku raad-jooga ragii ka dambeeyay falkaas oo markiiba goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa socda howlgal lagu raadinayo.

Lama oga sababta loo diray Ninkaas la sheegay inuu shacabka ahaa, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland.

Dilal horey uga dhacay Gedo ayaa waxaa loo geystay dad isugu jiray shacab ah iyo Askar ka tirsaneyd Ciidanka dowladda Federaalka, isla  markaana waxaa xusid mudan falalkaas qaarkood ay sheegteen Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media