Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo Caawa gudaha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa.
Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Idacaada Dalsan ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa u sheegeen in dilkan uu ka dhacay Waaxda Xalane ee Degmada Wadajir, isla markaana falkaas uu geystay Nin ku hubeysnaa Bastoolad oo watay gaari nooca raaxada ah kana mid ahaa dadka deegaanka Wadajir.
Sidoo kale dilka loo geystay Wiilka dhalinyarada ahaa ayaa waxaa uu yimid kadib markii uu muran soo kala dhex galay Ninka ku hubeysnaa Bastoolado iyo Wiilka, intaas kadibna uu toogtay.
Qaar kamid ah Ehelada Marxuumka la dilay ayaa uu tegay halka uu falka ka dhacay, iyagoonka halkaas kasoo qaaday Meydka, waxaana goobta ka baxsaday Ninkii ka dambeeyay falkaas.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir oo ay uga hadlayaan dilkii Caawa Waaxda Xalane ee degmadaas.