Diblumaasi Soomaliyeed oo sheegay in laysku fahmi la’yahay Doorashada 2016

Diblumaasi Max’ed Max’uud Nuur Caalim oo wareysi siiyay Idaacadda Dalsan ayaa walaac ka muujiyay kala aragti duwanaansho uu sheegay in ay ka dhex jirto maamul goboleedyada oo ku aadan nooca doorasho ee sanadka 2016.

Waxa uu carabka ku dhuftay in Puntland iyo Jubaland ay doonayaan wax lagu qeybsado qaab degmooyin iyo degaano ah ,halka Dowlada federaalka iyo maamulada kalena ay doonayaan nidaamka  4.5 ama Afar beel iyo bar.

Kala fikir duwanaashadaas ayuu tilmaamay in ay suura galin karo qal qal ku yimaada arimaha doorashada kadib laga yaabo in 2-sano oo dheraad ah loogu daro Barlamaanka Federaalka ee xiligaan si ay Arimaha doorashada ay u badalaan.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga Diblumaasiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor