Dhooba-daareed oo ka hadlay xariga loo geystay Odayaal dhaliilay Puntland

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ee xilka looga qaaday Mooshin ee Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa ka hadlay xarig shalay Magaalada Boosaaso loogu geystay Odayaal dhaliil u jeediyay Puntland.

Dhooba-daareed ayaa waxaa uu si kulul u Cambaareeyay xariga loo geystay Diraac Yuusuf Buuxe iyo Cawad Maxamed Faarax, kuwaasi xukuumadda Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ku dhaliilay in aysan fulin balan-qaadyadii xiligii Doorashada.

Sidoo kale Odayaasha la xiray oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ka soo horjeedan heshiiska DP World iyo Garoonka diyaaradaha Boosaaso loogu wareejiyay Shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka maamulka Puntland oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu tilmaamay in Xukuumadda Deni aan looga baahneyn inay Caburiyaan dadka dhaliisha u jeediya ama kasoo horjeesta.

Isaga oo sii hadlaayay Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa waxaa uu sheegay in Dastuurka Puntland Muwaaadin kasta uu xaq u siinayo inuu dhaliil u jeedin karo Puntland, wuxuuna ku eedeeyay Puntland ay Caburin ku heyso Waxgaradka Puntland.

Hadalka Dhooba-daareed ayaa waxaa kusoo aadayaa, iyadoo shalay Magalada Boosaaso lagu xiray Odayaal dhaliil u jeediyay Xukuumadda Deni, kuwaasi oo lagu xiray Amar kasoo baxay Saraakiisha amniga Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media