Dhooba-daareed oo isaga baxay Magaalada Garoowe

Guddoomiyihii Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ee xilka looga qaaday Mooshinka ee Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhooba-daareed ayaa isaga baxay Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Cabdixakiin Dhooba-daareed iyo wafdi u hogaaminayo ayaa safar ugu ambabaxay degmada Xingalool ee Gobolka Sanaag, iyadoona halkaas ay kusoo dhaweeyeen dadka deegaanka.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Guddoomiye Dhooba-daareed ay safarkiisa ku wehlinayeen Ciidamo isaga taabacsan, waxaana  uu kulamo kala duwan uu la qaadan doonaa inta uu ku sugan yahay degmada Xingalool Bulshada halkaas ku dhaqan.

Ilaa iyo lama oga sababta keentay inuu Magaalada Garoowe ka baxo Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee todobaadkii lasoo dhaafay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulkaas ay Mooshin xilka uga qaadeen.

Cabdixakiin Dhooba-daareed ayaa markii Mooshinka xilka looga qaaday waxaa uu xilka qaadistaas uu ku tilmaamay mid sharci darro ah, isla markaana waxaa uu sheegay in uu yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Comments
Loading...