Dhaqtar Caan ah oo lagu dilay Kismaayo iyo faah faahin kasoo baxeysa

Kooxo ku hubeysnaa Bastoolad ayaa fiidnimadii xalay gudaha Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland ku dilay dhaqtar Caan ka ahaa halkaas, waxaana kasoo baxaya faah faahino dheeraad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in dhaqtarka la toogtay, xili uu ku jiray Xarun Caafimaad oo uu ku lahaa Xaafadda VIA Afmadow ee Kismaayo, isagoona u geeriyooday rasaas dhowr ah oo lagu dhuftay.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Dr. Yuusuf Axmed (Yuusuf yare), isla markaana siweyn looga yaqaanay gudaha Caasimadda KMG ah ee Jubbaland, isagoona daaweyn jiray Caruurta iyo dad kale ee Arrimo Caafimaad ugu tega isaga.

Raggii hubeysnaa ee falkaas ka dambeeyay ayaa si deg deg ah goobta uga baxsaday, iyadoona daqiiqado kadib ay goobta ka tageen Ciidamo ka tirsan kuwa amniga Jubbalanad oo qaaday Meydka Yuusuf yare.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo dilay Dr. Yuusuf Axmed, hayeeshee dilkiisa ayaa waxaa uu kamid noqonayaa dilal horey uga dhacay Magaalada Kismaayo, iyadoona aysan jirin weli wax war ah oo kasoo baxay maamulka Jubbaland oo ku aadan falkii xalay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media