Madaxweynaha Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir hal maalin ah oo loogu magac daray Talo-Qaran, kaasoo ay dadweynaha ku dhiibanayaan talooyinkooda.
Shirka Talo-Qaran waxa uu tilmaamayaa Lix tiir ama qodob, sida Amniga Cadaaladda, Waxbarashada, Caafmaadka, Dhaqaalaha iyo Waddaniyadda, siyaasadooduna waxaa lagu lifaaqayaa talooyinka ay bixiyaan dadweynihii Soomaaliyeed ee Madashaasi isugu yimid.
Dadka ka soo qeyb-galay waxa ay ahaayeen saraakiisha Ciidammada, Khabiirro Cadaaladda bartay, Aqaaoonyahanno, Dhaqaatiir, Siyaasiin iyo dadweyne kale. madasha Talo Qaran waxaa soo agaasimey Qaasim Maxamed Cali oo ah La taliyaha Madaxweynaha.
Madaxweynaha J..F Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Daah-furay Madasha Talo-Qaran, waxa uu ka jeediyey khudbad ka hadleysay Lixda Qodob ee talooyinka u baahan, ahna kuwa ugu muhiimsan dal ama dowlad jirta leeyihiin.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa uga mahadceliyey Madasha Talo-Qaran dhallinyaradii soo agaasintay, waxa uuna ka hadlay muhiimadda ay u leedahay wadatashiga iyo talo uruurinta dadka Soomaaliyeed, si ay ugu tadashadaan siyaasadda ay u degsadeen hey’adaha kala duwan ee dowladda.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dowladdiisu ay mar walbaa ka go’an tahay in wadatashi ay ku saleyso Hay’ad walba, Soomaaliyana ay noqon doonto dal dhibaatooyinkii soo maray uga soo baxa wadatashi.
Halkaan ka dhageyso