Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan ee Yuusuf Axmed Xagar Yuusuf Dabageed ee xilka qaadista lagu sameeyay ayaa waxaa uu eedeeymo kulul u jeediyay Madaxda maamulka Hirshabeelle.
Yuusuf Dabageed oo shir Jaraa’id warbaahinta ugu qabtay gudaha Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ka dalbaday ay si deg deg ah u soo farageliso arrimaha ka jira Gobolka Hiiraan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan in wax wadashqeysan aysan la yeelan doonin dadka reer Hiiran maamulka Hirshabeelle uu hogaamiyaha uu ka yahay Madaxweyne Waare,isla markaana waxaa uu xusay in Talladda xilka Gobolka Hiiraan loogu dhiibay ay Mas’uul ka aheyd dowladda Federaalka.
Dhinaca kale Yuusuf Dabageed ayaa waxaa uu Madaxweyne kuxigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ku eedeeyay in uu amar ku siiyay Ciidamada amniga Baladweyne inay soo xiraan ,isla markaana waxaa uu Dabageed sheegay in aan la xirin karin.
Sikastaba Wareegto ka soo baxday madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed, iyadoo xilkan loo magacaabay Cali Maxamed Caraale.