Dhawaan ayaa la filayaa in Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ay u sharaxan yihiin in ka badan 10 musharax.
Doorashadaan ayaa ka duwan doorashadii hore ee uu ku soo baxay Shariif Xasan Sheekh Aadan,waxaana jira loolan adag oo u dhaxeeyay Siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kamid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa waxa uu musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada koonfur galbeed uga digay inay qalalaasi ka sameeyan doorashada.
Sidoo kale waxa uu tilmaamay xildhibaanka in doorashada sidii loogu talo galay ay u dhacdo,isla markaana sheegay musharixii doorashada kusoo baxo loo hogaansamo lanan Shaqeeyo.
Magaalada Baydhabo oo Xarun KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxa la filayaa in 17 bisha November ee soo socoto ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha maamulka koonfur galbeed,waxaana ku tartamaya musharixiin badan oo uu kamid yahay Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Xildhibaan Aadan Madoobe.