Dhageyso:-Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare oo sheegay in Ururka ONLF aan loo aqoonsan Karin Argagaxiso

Waxaa isasoo taraya ka hadalka Go’aankii ka soo baxay dowladda Soomaaliya kaas oo ku aadanaa in Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ururka ONLF, oo ay ku sheegtay in uu xiriir la’lahaa Al-Shabaab Itoobiyana ay ku wareejisay.

Senator Axmed Xaashi Maxamuud oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare  ayaa sheegay in Ururka ONLF uusan aheyn mid argagaxiso ah,warka dowladda kaas oo baxana uu yahay mid aan wxba ka jirin.

“ONLG, maahan argagaxiso waa Shacab xurnimo doon ah, oo gadoodsan, mahan Alqaacida iyo qulyaha wax qarbuda isma qarxiyaan anaga wax nooma dhimaan iyo waliba Caalamka ayuu yiri Senator Axmed Xaashi”

Waxa uu sheegay in ONLF, ay tahay dad doonaya wax uga maqan sisharcidaro ah,balse aan ku wanagsaneyn in lagu tilmaamo argagaxiso sida uu hadalka u dhigay.

Hoos Ka Dhageyso Codka Sanoter Axmed Xaashi

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media