Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo Maanta hadal ka jeedinayey munaasabad lagu soo bandhigayay Xisbiga uu horkacayo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday hadalkii dhawaan uu sheegay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa Siyaasiyiin faraxsan.
Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Howlka ay ka socotay Xaflada xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ay yihiin Siyaasiyiin faraxsan balse kuwo maqan ay yihiin kuwo cuqdadeysan.
“Siyaasiyiinta Farxsan Waa kuwaan Kuwa Xanaaqsan Waa Kuwa Kale”
Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyay xisbiga Cusub oo dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo xukuumadda Soomaaliya ee uu dhawaan shaaciyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar).
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Hantida dowladda dadka dhan ay ka wada dhaxeyso,isla markaana uu ka digayo in dad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi.