Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) ayaa sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay fuliyaan balanqaadkii ay horay uga qaadeen Shacabka ee ahaa sugida amniga dalka.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’aan tahay in ay fuliyaan balanta laakin loo baahan yahay in ay Shacabku la shaqeeyaan dowladdooda waxa uuna sheegay in wada Shaqeynta Shacabka ay dhalisay in Maalin ka hor degmada Waaberi ay ciidamadu ku fashiliyeen qarax Miino oo Wadada la dhigay.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in ay qorsheeynayaan in ay dagal dhinac walbo ah la galaan Al-Shabaab,balse marka hore loo baahan yahay in aan waanino si ay dambiga ay ku jiraan uga soo baxaan.
Madaxweynaha oo khubadii uu shalay ka jeediyay banaanbixii lagu taageerayay dowladda ee lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Stadium  ay dhinacyo badan taabaneysay ayaa sidoo kale soo hadal qaaday Ciidamada dowladda Soomaaliya ee mararka qaar waxyeeleeya Shacabka.
Hoos Ka Dhageyso Codka