Akhriso: Dowladda ka qaad dowladda u dhiib ayaa dalkaan ka jirta

Ciidamada Xasilinta amniga Muqdisho ayaa weli habeen iyo Maalin waxa ay howlgalo amniga lagu xaqiijinayo ay ka wadan gudaha degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir howlgaladaas oo ay ciidamo mararka qaar ay Hubka dhigis ay sameynayaan.

Ciidamada oo isugu jira Boolis iyo Nabad-Sugid  ayaa waxa lagu arkayaa Wadooyinka Waaweyn ee Gudaha Magaalada Muqdisho kuwaas oo aad dareemeyso in ay yihiin kuwo feejignaan ku jira.

Tan iyo markii uu bilaawday howlgalka dhanka amniga ah iyo Hub aruurinta waxaa bilaawday olole ay wadan Siyaasinta qaar kood kaas oo Bulshada lagu kicinayo,iyagoo xaalada u bedelay mid qabiil gaar ah lagu beegsanayo.

Mudo ka badan 26,Sano ah ayaa dalka Soomaaliya uu ahaa mid ay ka jiraan dagaalo Sokeeye oo sababay dhimashada Boqolaal ruux iyo Barakaca kuwo kale balse haatan waxaa la dareemayaa xoogaa Nabad ah waxaase jira dad ka soo horjeeda sidaasi waxa yiri mid kamid ah Odayaasha dhaqanka Muqdisho.

Intii uu howlgalka socday waxaa jiray siyaasiyiin iyo Ganacsato Caan ah oo hubkoodii kala baxay Muqdisho lana aaday dhanka labada Shabelle waxaan xusid mudan hubka iyo ciidanka ay wataan in ay yihiin kuwo u Shaqeeya dowladda Federaalka Soomaaliya,balse waxaa isweeydiin mudan dowladd iyada iska carareysa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media