Dhageyso:-Wasiirka Cadaalada oo ka hadlay kiisaska dacwadaha Shacabka ee lagu qaado Xarunta CID-da

Wasiirka Wasaaradda  Cadaalada Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in xilligaan uu jiro isbedel iyo horumarin lagu sameeynayo Cadaalada dalka si qof walba uu u helo cadaalad,iyada oo horay Shacabka Soomaaliyeed ay keenayeen cabasho dhinaca garsoorka ah.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in ay muhiim tahay hubinta kiisaska shacabka ee ka soo bilaabanaya xarunta Dambi Baarista ee CID-da

Waxa uu intaas ku sii daray Wasiir Xasan Xuseen Xaaji in ay tahay in ahmiyad la siiyo cadaalad u sameynta  shacabka waxa uu carabka ku dhuftay marka galka dacwada loo gudbiyo xeer ilaalinta ay u eegaan dhankooda in dacwada tahay mid sharci ah.

Wasiirka Wasaarada Cadaalada ayaa hadalkiisa sal uga dhigay dastuurka dalka kaas oo qeexaya dhowrista xuquuqda Muwaadinka iyo Cadaalad u falida muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay Howlaha garsoorka dalka iyo Cadaalada ku sameyso isbadal weyn sida uu kol hore sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaradda  Cadaalada Xukuumada Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor