Dhageyso:-Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ka mid noqday dadkii ku dhaawacmay qarixii Soobe

Waxaa daqiiqad walba sii kordhaya khasaaraha lixaadka leh ee uu geestay qaraxii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada muqdisho kuwaas o qaarkood laga helayo goobtii uu qaraxa ka dhacay.

Dadka dhaawacmay iyo kuwa geeriyooday ayaa waxa ay isugu jiraan Masuuliyiin iyo Shacab intaba.

Dadka dhaawacmay sida la sheegay waxaa ka mid ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, kaas oo ku dhaawacmay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada, waxaana xiligaas la joogay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxman Cumar Cismaan Yariisow, Wasiir ku xigenka Wasaaradda Howlaha Guu iyo Masuuliyiin kale.

Dhismaha qeyb ka mid ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda yaa xoogaa uu burbur soo gaaray iyo dhismooyin farabadan oo ku yaalla Isgoyska Zoobe.

Hoos Ka Dhageyso Wariyaheena Xasan Maxamed Daahir oo ka hadlaya Masuuliyiinta ku dhaawacmay qaraxaas.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media