Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaare Kheyre wasiiradiisa ku amray inay ka qeyb qaataan qodobo uu ka mid yahay barnaamijka isxilqaan.
Waxa uu sheegay in amarka Ra’iisul Wasaaraha ay ka mid ahaayeen tubta Amniga iyo Calaada,isla markaana xubno ka tirsan Shaqaalaha Wasaaradda uu Maanta kala hadlay.
Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in arrimaha musuq maasuqa ay qeyb ka ahaayeen amarka Ra’iisul Wasaaraha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Amniga Soomaaliya.