Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Xeer ilaalinta iyo Garsoorka ay ka wada haldeen sidii Garyaqaano u gaar ah loo sameeyo si ay u dabagalaan dadka dhibaateeya Wariyayaasha.
Sidoo kale waxa uu sheegay in Marnaba Xukuumadda Soomaaliya aysan  ogolaan doonin in la dhibaateeyo Wariyayaasha sidaas darteedna Guddigaan loo sameyn doono in aan laga harin dhibaateeyaha Wariyaha.
Waxa uu sheegay in tani y sahleyso in aan laga harin dadka dhibaatada geysa marka laga reebo qofkii kiiskiisa la ogaan wayo ama meel kale gala.
Ugu dambeyn wax uu Wariyayaasha Soomaaliyeed ku dhiirageliyay in qof walba oo dambiile ah Maxkamada la soo taagi doono sigaar ah qofkii Wariye dhibaateeya.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo aadaya Maalin ka hor markii Muqdisho laga xusay Maalinta kahortaga Tacadiyada ka dhan ka ah wariyaasha.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.