Madaxweyne Donald Trump ayaa shealay sheegay inay Ciiddankiisa si xooggan u duqeeyeen Fariisinka Kooxda Daacish ku leeyihiin Somalia.
Trump oo shalay Suxufiyiinta kula hadlay Aqalka Cad, ka hor inta uuusan u ambabixin Socdaalkiisa Qaaradda Europe ayuu sheegay mar kasta oo ay Daacish garaacaan Maraykanka inay duqeyn doonaan Daacish.
 Sidoo kale, Qoraal uu Bartiisa Twitterka soo dhigay ayuu ku sheegay in mar kasta oo Maraykanka la soo weeraro inay duqeyn culus oo 10-jeer ah duqeyn doonaan Fariisimadda Kooxda Daacish.
Hadalkiisa ayaa soo baxay, kadib, markii uu Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka ka jooga Afrika ee AFRICOM xaqiijiyen inay 2 Duqeyn oo kala duwan ku qaadteen Fariisimadda ay Kooxda Daacish ku leeyihiin W/bari ee Somalia, laguna dilay dhoqr ka tirsan Kooxda Daacish-ta Somalia..
Diyaaradahaasi ayaa la sheegey inay duqeeyeen Deegaanka BUQA oo 60-KM u jirta Degmadda Qandala, isla markaana lagu dilay ugu yaraan 6 Maleeshiyo ka tirsan Kooxda Dacaish.
AFRICOM, waxay kaloo sheegtay inay DFS xiriir kala sameeyeen Fulinta Duqeyntaasi, isla markaana ay Ciiddanka Maraykanak sii wadi doonaan inay qaadaan taallaabo kasta oo lagu badbaadin karo Dadka Maraykanka