Dhageyso:-Wasiir Guri Barwaaqo”Madaxda Dowladda Somaliya waa kuwa aaminsan in loo dhaariyay Hargeysa iyo Berbera

Wasiir Wasaaradda Warfaafinta Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Cabdullahi Faarax (Guri Barwaaqo) oo aad uga careysnaa hadalkii Ra’iisul Wasaare Kheyre ee ahaa in ay sharcidarro tahay heshiiskii dekada Berbera ayaa hadalkaas sheegay isaga oo u jawaabayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in Madaxda Dowladda Soomaliya e waqtigaan iyo kuwii hore ay aad uga kala duwan yihiin,isla markana madaxda hadda dalka ay aaminsan yihiin in ay yihiin kuwo loo dhaariyay Hargeysa iyo Berbera ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Waxa uu sheegay in hadalkii ka soo baxay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uu ahaa mid la’iska yiri,isla markaana haregysa iyo Berbera dadkii loo doortay ay joogaan.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media