Wasiirka Caafimaadka dowladda Federaalka Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in cudurka TB-da uu dhibaato farabadan ku haayo Shacabka Soomaaliyeed ee bukaanka u ah.
Iyada oo la hadleysay Idaacadda Voa ayaa waxa ay sheegtay in daawooyinka loo adeegsado ay uga sii dartay in cudurku uu bulshada kale ku sii dhex faafo.
Hayeeshee Wasiiradu ay sheegtay inay sidaasi darteed ay Wasaaradda Caafimaadka mamnuucday soo dejinta iyo ka Ganacsiga Daawada qaaxada.
Cudurka TB-da ama qaaxada ayaa waxa uu ka mid yahay cudurada sidaweyn dhibaatada ugu haya Shacabka Soomaaliyeed,waxaana dadka ay adeegsadaan dawooyin mudo lix bilood ah loo cunayo si loogu caafimaado balse haatan Wasaaradda Caafimaadka ay sheegtay in la joojiyey ka Ganacsigeeda.
Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.