Dhageyso: Wasaaradda Batroolka Oo Heshiis La Saxiixatay Shirkad Baarta Shidaalka Soomaalia

Wasiirka Wasaaradda Badroolka iyo Macdanta Somalia Maxamed Muqtaar ayaa heshiis la saxiixday shirkad baarta shidaalka Somalia.

Waxaa uu sheegay wasiirka in ay haboontahay in si deg deg ah lagu ogaado  kheyraadka ku jira dalka Maadaamadda Wadanka uu Waqti badan bur bur kusoo jira.

“Waxa ugu weyn oo loo baahan yahay ayaa ah in aan ogaano waxaa aan heysano iyo waxa aan leenahay heshiiskan aan halkan u fadhino ayaa ah in shirkaddan ay baarto dhul dhan 28 000 KM”

Ra’iisul Wasaaraha Dalka Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo ka qeybgalay heshiiskaasi ayaa dhankiisa xusay in ay wanaagsan tahay in dadka soomaaliyeed ay ka faa’iideestaan qeyraadka ku jira dalkooda.

Ra’iisul Wasaare Sharma’arke ayaa xusan in sidoo kale loo baahan yahay in dhalinyaradda loo sameeyo shaqo Abuur.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor