Wasiirka wasaaradda amniga gudaha Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa amar ku bixiyey in la qaado dhagaxyada wadooyinka qaar lagu xiray gudaha magaalada Muqdisho.
Afhayeenka wasaaradda amniga Cabdikaamil Macalin shukri oo maanta shir jara’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayaa sheegay in wasiirku uu amar ku bixiyey in la furo wado u xirneyd wasaaradda aminga gudaha, islamarkaana maanta laga qaaday dhagaxyadii ku xirnaa qeyb ka mid ah wadada, halka ay dagan tahay wasaaradda aminiga,waxaana afhayeenka amniga uu sheegay in hada kadib aan la’ogolaan doonin wado xiran Muqdisho.
Dhinacakakale, afhayeenka wasaaradda amniga ayaa si kooban uga hadlay qarax ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay degmada Wadajir, gaar ahaan xerada ciidanka Dhega badan oo ku taala gudaha Warshada Nacnaca, iskuna qarxiyey ruux ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda, islamarkaan uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.