Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahin guud ka bixisay Darawal Mooto Bajaaj oo laga soo badbaadiyay Gabar 5 Sano jira ah uu la baxsaday xili uu la socday Aabaheed.
Maqribnimadii Caawa ayaa Gabadha oo saaran Bajaajta,ayaa Aabaheed waxa uu ka degay Bajaajta kadib markii uu Darawalka u tuurayay lacagtii ay kula soo heshiiyeen balse Darawalkii uu Gabadhii la baxsaday sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga.
Cabdi Casiis Cali Ibraahim Xildhibaan oo la hadlay Dalsan ayaa sheegay in dhacdadaan markii ay dhacday uu Aabaha dhalay Gabadha uu ku wargeliyay ciidamada Booliska oo Goobta ku sugnaa sidaasina ay ku soo qabteen howlgal ay sameeyeen.
Waxa uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga in dhacdadaan ay tahay mid naadir ku ah Muqdisho balse Caawa ciidamada Amniga u suurtagashay in si fudud Gacanbta ugu soo dhigaan Darawalkii Mooto Bajaajta haatana uu so socdo baaritaano maadaama laga yaabo in falal noocaan oo kale ah uu horay u sameeyay sida uu hadalka u dhigay.
Ugu dambeyn waxa uu shegay in cidkasta oo dadka Shacabka waxyeeleysa tallaabo laga qaadi doono,sigaar ah kooxaha Burcada ah ee Mootinka Dadka ku waxyeeleeya.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga fhayeenka Wasaaradda Amniga.