Dhageyso:-Wararkii u dambeeyey ee howlgal ka socda Afgooye

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa Maanta ka socda howlgallo ay sameynayaan Ciidamada booliska degmadaas kadib dil ka dhacay.

Shalay gelinkii dambe ayaa Xaafada ceel Qoday ee degmada Afgooye waxaa lagu dilay Xasan Caalim,halka sidoo kale Aamin Mayow oo iyana Ergada ka mid aheyd lagu dilay Xaafada Daahisoy.

Dda ku sugan Afgooye ayaa Radio Dalsan waxa a u sheegeen in howlgaladaas lagu qabqabtay dhalinyarao farabadan kuwaas oo la geeyey Saldhiga Booliska degmada Afgooye.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Afgooye Maxamed Nuur Gaabow ayaa Dalsan waxa uu u sheegay in Maamulka degmada uu wado howlo baaritaano ah oo ku aadan dadkii ka dambeeyey dilkaas,isaga oo sheegay in natiijada baarista laga sugayo Booliska degmada.

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay ka mid tahay degmooyinka ugu amniga xun Gobolkaas,waxaana mararka qaar weeraro ku soo qaada Al-Shabaab.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor