Dhageyso:-Wararkii u dambeeyay dagaal culus oo ka socda Gobolka Hiiraan

Weli waxaa daagal culus uu ka socdaa Deegaanka Bulacle oo hoos taga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan kaas oo soo bilaawday saakay barqadii,waxa uuna u dhaxeeyaa Dadka deegaanka oo taageero ka helaya ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab.

In kastoo aan weli la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas,basle wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in dadka deegaanka ee adagalka kula jiray Shabaab ay u soo gurmadeen Ciidamo ka tirsan dowladda kuwaas oo kala kala yimid Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.

Xiisad dagaal ayaa sidoo kale ka atagan gobolka Hiiraan,iyada oo la soo sheegayo in dagaalka uu weli halkaasi ka socdo,isla markaana weli Maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha Ciidamada dowladda aysan ka hadlin.

Faah faahinta daagalkaas waxaan ka Wareysanay Wariyaheena gobolka Hiiraan Axmed Dirir Nuur.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media