Wadaad Caan ah iyo Shaqsi la socday oo lagu dilay G/Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Maleeshiyad hubeysan ay lab ruux ku dileen meel u dhow Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Maleeshiyaadka ayaa la sheegay in labada ruux ay dileen lagu kala Magacaabi jiray Sheekh Maxamuud Cilmi Maxamuud iyo Cirro Daahir Maxamuud,sida ay soo sheegayaan Wariyaasha ku sugan Magaalada Dhuusamareeb.

Laba ruux ayaa xiliga la dilayay waxa ay ku sugnaayeen deegaan u dhaxeeya Magaalada dhuusamareeb iyo deegaanka Mirig,waxana la sheegayaa in aanooyin qabiil dadkaasi loo dilay.

Warar kale aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in qaar ka mid ah Maleeshiyaadkii ka dambeeyay dilkaas Gacanta lagu dhigay,in kastoo Maamulka Magaalada dhuusamareeb ee Galmudug, uusan ka hadlin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media