Dhageyso:-War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliland

Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqday olole soconaya muddo seddex todobaad ah, kaas oo markii ugu horraysay lagu diiwaan galinayo hantida ma guurtada ah ee dawladda iyo dhulalka danta guud.

Ololaha ayaa looga dhawaaqay xarunta madaxtooyada ee Hargaysa, waxaana hadalkaasi shaaciyey Madxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi,isaga oo sheegay inay daba socdaan “boobka hantida dawladda ee ma guurtada ah ee 28kii sano ee u dambeeyey”.

Hantida ayuu u kala saaray dhismayaal sida iskuullo, isbitaallo IWM, iyo dhulal banaan oo ay dawladdu leedahay.

Wuxuu kaloo ka hadlay xiriirka u dhaxeeya ayaga iyo dawladda hoose, wuxuuna qiray in uusan fiicnayn.

“Wixii ku saabsan maamulka hantida ma guurtada ee shacabka dawladda hoose ayaa shaqo ku leh, wixii dan guud ahna annaga ayaa shaqo ku leh” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweyne Muuse Biixi.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor