Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in uu ka furmo kal-fadhiga 4aad ee baarlamaanka Maamulkaas,oo fasax ku jiray.
Mudo laba Bilood ah ayaa Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle uu fasax ku maqnaa,waxana furitaanka Maanta kal-fadhiga 4aad ka qeyb geli doona Madax ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabelle Cusmaan Barre Maxamed ayaa sheegay in kulanka Maanta ay goobjog ka noqon doonaan xubno ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya,isla markaana Xildhibaanada badi ay ku sugan yihiin Jowhar.
Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa Jowhar gaaray Xildhibaano ka tirsan Hir-Shabeelle,kuwaas oo Magalada ka maqnaa si ay uga qeyb galaan furitaanka kal-fadhiga 4aad ee Baarlamaanka dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.
Amniga Magalada Jowhar ayaa Maanta aad loo adkeeyey,waxana socda diyaar garow ku aadan qabsoomida kulanka Xildhibaanada Hir-Shabeelle ,iyada oo ay horyaalaan Shaqooyin farabadan oo aad u adag.
Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baarlamanka Hir-Shabeelle.