Dhageyso:-Wadamada ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya oo xoojinaya la dagaalanka Al-Shabaab

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo wafdiga la socda ee  ku sugan Magaalada Newyorka ayaa kulan la qaatay madax ka socota wadamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya kuwaas oo sida xubnaha dowladu noo xaqiijiyeen ka wada hadlay arrimo la xariira Xoojinta xariirka wadamadaas ay la leeyihiin Soomaaliya, Horumarinta howlgalada ka dhanka ah Nabad diidka iyo sidii loo heli lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalkooda.

Madaxdii ay la kulmeen wafuudda dowladda Soomaaliya waxa ay qireen in Soomaaliya ay ka soo kabanayso xaaladihii adkaa ee ay soo martay isla markaana uu muuqanayo isbedal dhaxal gal ah, iyaga oo balan qaaday in ay is garab taagi doonaan dowladda Soomaaliya.

Madaxdii ka qeyb gashay kulanka ayaa waxa ay dhamaantood isku raaceen in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Markii uu kulanka soo gaba gaboobay ayaa waxaa Saxaafada la hadlay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdirashiid Cabdullaahi Maxamed.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media