Deeqo Diraac oo horay Maxkamada Ciidamada qalabka sida ee Somaaliya 20 Bishii Apriil Sanadii 2014,kii ay ku xukuntay 15-sano oo xabsi Ciidan ah ayaa ku dhex geeriyootay Isbitaal ku yaalla Xabsiga dhexe ee Xamar,ee Magaalada Muqdisho.
Waxa kaloo uu hadalkiisa intaas ku daray in ay diiday in la daaweeyo oo dhiig laga qaado taas oo ugu dambeen xalay Xabsiga dhexdiisa ay ku geeriyootay sida uu hadalka u dhigay.
Deeqo Diraac iyo 4 rag ah oo la socday ayaa horay Maxkaamada Ciidamada Qalabka sida ugu riday xukun,iyadoo lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dil 5-tii bishii Apriil 2014,kii Magaalada Muqdisho loogu geystay Nafisa Cismaan Salaad oo markaas uun dhameysay Mid kamid ah Jaamacaddaha Magaalada Muqdisho.
Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Taliye ku xigeenka