Magaalada Baydhabo ee Caasimadda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ku yeeshay Taliska Booliska Koonfur Galbeed iyo Odayaasha dhaqanka maamulkaas.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga deegaanda Koonfur Galbeed,isla markaana waxaa kulanka markii uu dhamaaday laga soo saaray Amaro ku socda Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo ah Taliyaha Ciidan Booliska Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in Amarkii kasoo baxay Al-shabaab ee loogu yeeray socda Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka ay fuliyeen qaar kamid ah Odayaasha,isagoona tilmaamay in kuwaas ay lamid yihiin Shabaab.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Mahad Cabdiraxmaan Aadan in Odayasha ku dhaqan Magaalada Baydhabo ee aada dhulka Al-shabaab aysan kusoo noqon doonin Magaalada,isla markaana ay ka mid noqonayaa iyaga.
Isaga oo soo hadlayay Taliyaha Ciidan Booliska Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu xusay in ciddii fulisa amarkaas ay talaabo adeg ka qaadi doonaan,isla markaana ay xabsiga dhigi doonaan.
Hadalka Taliyaha Ciidan Booliska Koonfur Galbeed Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa,iyadoo dhawaan Al-shabaab ay u yeereen Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,kuwaasi oo ku tilmaameen inay galeen Dembiyo Culus.