Muxiyadiin Axmed Muuse Taliyaha ciidamada booliiska ee maamulka Puntland oo la hadlay suxufiyiinta waxa uu digniin culus u diray dadka ku ganacsada hareeraha waddooyinka iyo kuwa heysta guryaha danta guud.
Taliyaha ayaa sheegay in magaalada Garoowe uu ka socdo howlgal lagu soo celinayo dhulkii danta guud iyo kuwa sida sharcidarada ah ugu ganacsada bartamaha wadada,isaga oo sheegay in uu sii soconayo inta la soocelinayo bilicda magaalada Garoowe.
Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gen: Muxiyadiin ayaa digniin culus u diray dadka shacabka ah uguna baaqay in ay dalbadaan cafis madaama ay waqti badan ay ku ganacsanayen gudrayaha dowladda.
Halkaan Ka Dhageyso Codka