Dhageyso:-Siyaasiga Axmed Daaci oo ka hadlay Shirka Jabuuti iyo xaalka Siyaasadeed ee dalka

Dalka Jabuuti waxaa Maanta ka furmay wadahadalo u dhaxeeya Madaxda Maamulka Glmudug iyo Ahlusuna Waljamaaca oo ay kala hogaaminayan Axmed Ducaale geelle Xaaf iyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Shirkaan oo uu Garwadeen ka yahay Urur Goboleedka IGAD, ayaa waxaa siweyn uga hadlaya Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.

Siyaasiga Axmed Xasan Cadoow( Axmed Daaci) oo ah Gudoomiyihii hore ee Degmada Wadajir ayaa isaga oo ku sugan dalka India wareysi suu siiyay Radio Dalsan waxa uu marka hore soo dhaweeyay wadahadalada Jabuuti uga furmay Ahlusuna iyo Galmudug.

Waxa uu sheegay in wadahadaladaas loo baahnaa in marhore la qabto si xal looga gaaro dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira deeganada Maamulka Galmudug.

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa intaas ku daray waqtigaan loo baahan yahay in dadka Sooamaliyeed ay isku tashadaan.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga Siyaasiga oo arrimo badan ka hadlay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media