Magaalada Garowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland ayaa galabta lagu xiray afar ka mid ah rag siyaasiyiin, ganacsato iyo wargarad isugu jira.
Raggaasi la xirey, ayaa dhawaan madal ay ugu magac dareen “Madasha Badbaadinta Puntland” halkaasi kaga dhawaaqay, isla markaana ka soo horjeestay shirkii maamul goboleedyada ee Kismayo ka dhacay.
Siyaasi C/raxmaan Siciid Maxamud(Dhegawayn)  oo ka mid ah dadkii Maanta la xiray ayaa sheegay in amarka lagu xiray uu bixiyey Madaxwaynaha Puntland Abdiweli isla markaana loo xiray Aragtidood Siyaasadeed oo lagu caburinayo sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Siyaasiga ayaa waxlaga weeydiiyay in sababta loo xiray ay ka mid tahay Madal ay dhawaan ku dhawaaqeen ayuu sheegay in Madashaan ay ku soo beegantay xiligii loo baahnaa.
Hoos Ka Dhageyso Codka Siyaasiga Siyaasi C/rixmaan Siciid Maxamud(Dhegawayn) Â Â