Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in dhibaatada Shacabka Reer Koonfur Galbeed ay Al-Shabaab u geesteen ay weli taagan tahay marka laga reebo abaartii ka jirtay deegaanada Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shariif Xaan ayaa sheegay in dowladdan Cusub ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi(Farmaajo) looga baahan yahay in ay Afarta Sano ee soo socota ay ku dadaalaan sidii loo dhisi lahaa Ciidamo tayeysan oo Al-Shabaab dalka ka saara.
Waxa uu sheegay in Dowladdii tan ka horeysay ay dhistay Maamul goboleedyada dalka haatan ka jira balse dowladdan dhankeeda looga baahan yahay qalabeynta Ciidamada xoogga dalka Soomaliya si ay usoo celiyaan Sharaftii iyo Karaamadii Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa Shariif Xasan Sheekh Aadam waxa uu ka sheegay munaasabad shalay lagu Caleemo-Saarayay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Geelle Ducaale (Xaaf)
Hoos Ka Dhageyso Codka