Arrintaan Shaqa joojinta ah ayaa timid kadib markii Maalin ka hor uu taliyuhu rasaas uu ku riday Gudoomiyaha Gobolka Bari ku dhaawacay ku xigeenkiisii.
Wareegti ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa lagu sheegay in Taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire Farax (Erag) Â Shaqa joojin lagu sameeyay isla markaana Xabsi Guri laga dhigo.
Lama oga waqtiga ay qaadan doonto Shaqa joojintaan iyo sida xal looga gaari karo khilaafkii soo kala dhexgalay Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cumar Cabdullaahi Fraweyne
Wariye Maxamuud Cabdinaasir Soofeysane oo ku sugan Garoowe ayaa Axmed Xusen Cadoow oo ku sugan Xarnta Dalsan ee Muqdisho ka Wareystay