Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Wafdi uu hoggaminayo ayaa gaaray Magaalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxa Jowhar ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle ee Maanta la Caleema-Saarayo Maxamed Cabdi Waare .
Axmed Madoobe ayaa waxa Jowhar uga sii horeeyay Madaxweynayaasha Maamulada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug waxana dhamaantood ay ka qeybgeli donaan Caleemo-Saarka Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare.
Hoos Ka Daawo Sawirrada