Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo ka mid ah Xubnaha Aqalka Sare ayaa eedeyn kulul u jeediyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan jawaari iyo Wasiirka dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh jibriil.
Waxa uu sheegay in Gudoomiyaha Golaha Shacabka uu faragelin ku hayo Baarlamaanada dowlad goboledyada isla markaana uu midba maruu casuumad ugu sameynayo.
Waxa uu hadalkiisa intaasi raaciyay in gudoomiye Jawaari looga baahan yahay in uu ka joojiyo faragelintaas uu ku hayo baarlamaanada dowlad goboleedyada dalka ka jira.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Qaramada Midoobay in dorshooyinka dhinaca Xubnaha Xildhibaanada ahaa ee dalka ka dhacday Sanadii 2016,kii ay aheyd mid hab qabiil wax lagu soo xulay iyada oo la arkayay hab deegaan.
Dhinaca kale Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa soo hadal qaaday dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Gobolada sool iyo Mudug,isaga oo ka dalbaday in la joojiyo dagaaladaas.
Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Madaxweyne Gaas oo ku sugan meel aan ka fogeyn deegaanada lagu dagaalamayo ay nasiibdaro tahay in la xushmeyn waayo isla markaana isaga oo joogo la dagaalamo.
Hoos Ka Dhageyso Codka Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.