Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya kana soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimaha Doorashada Koonfur Galbeed iyo Ciidamadii shalay la geeyay Magaalada Baydhabo.
Waxa uu sheegay Sanoter Xuseen in Ciidamada la geeyay Magaalada Baydhabo loo baahnaa in la geeyo meelo u baahan Ciidamo oo ay kamid tahay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur galbeed faragelin lagu haayo ayna dhici karto inay is Casilaan,isla markaana Xukuumadda Soomaaliya dooneyso in saqsi ay iyada magacaabatay geeyso Magaalada Baydhabo,
Sidoo kale waxa uu tilmaamay Sanoter-ka in Doorashada Baydhabo ka dhaceysa aysan u muuqan mid wanaagsan,wuxuuna dadka reer Koonfur Galbeed u rajeeyay inay u Midoobaan sidii Doorasho xalaal ah ay u dhici laheyd.
Isagoo sii hadlayay ayuu Xukuumadda Soomaaliya ugu baaqay inay ka joogto faragelinta ay ku heyso Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan la filaayo inay ka dhacdo Baydhabo.
Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa lagu waday in ay dhacdo 5 Bishan, balse Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Maanta markale shaaciyay in ay dib u dhacday waqtiga ay dhici laheyd doorashada Koonfur Galbeed.
Hoos ka dhageyso Codka Sanoter Xuseen Sheekh Maxamuud