Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa markale guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yariisow ku amray in Kun ka mid ah Dhalinyarada Gobolka Banaadir ku nool in la Shaqaaleysiiyo.
Waxa uu sheegay in Sanad ka hor sidaan oo kale uu u amray in Dhalinyaro Kun gaareysa in la Shaqaaleysiiyo,markalena maanta uu amrayo,wallow xilligaas uu Gobolka Banaadir guddoomiye ka ahaa Taabid Cabdi Maxamed.
“Waxaan farayaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Yarisow in uu qabto Araajida Kun ka mid ah Dhalinyarada Muqdisho si ay uga faa’iideestaan fursada aan siiney,lagana doonayo in aad la xisaabtanto,si cadaalad ahna aad u Shaqaaleysiisaa kuwaas oo isugu jira rag iyo dumar ayuu yiri Eng Yariisow.
Sanad ka hor ayaa Ra’iisul Wasaare Kheyre waxa uu ku amray guddoomiyihii xilligaas ee Gobolkan Banaadir Taabid Cabdi Maxamed in uu Shaqaaleysiiyo Kun Dhalinyaro ah,kuwaas oo qaarkood la Shaqaaleysiiyey,balse warar soo baxayey ay sheegayeen in markii Gobolka Banaaidr loo Magacaabay Eng, Yariisow dhalinyaradaas badankood la ruqseeyey.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.