Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre oo ka qayb galay munaasabadda xasuusta qaran ee musiibadii October 14, 2017, ayaa faray wasaaradda waxbarashada in waxbarasho lacag la’aan ah ay siiso dhammaan caruurtii waalidiintood lagu laalay weerarkaas.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalbadayy guddiyadii ka qayb qaatay gurmadka loo fidiyay dadkii dhibaatadu kasoo gaartay weerarka in ay wasaaradda waxbarashada u gudbiyaan liiska caruurta waalidiintoodii ku waayay weerarkaas.
Waxa uu Al-Shabaab ku eedeeyay inay mar walba dhibaateeyaan dadka Shacabka ah,isla markaana ay u baahan tahay in dadka Soomaaliyeed ay siwadajir ah uga hortagaan.
Hoos Ka Dhageyso Codka Ra’iisul Wasaare Kheyre.