[Dhageyso]:- Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo sheegay in dowladaha derisku ay fara gelin toosa ku hayaan Dorashada Dalka.

Cumar C/rashiid Cali Sharma,arke oo ah musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha Soomalaiya ayaa sheegay in ay jirto faragelin aan geed loogu gamban oo lagu hayo doorashada ka socota Soomaliya.

Waxa uu uga digay Dowladaha arintan ku howlan ay sii wadaan faragelinta ay ku hayaan doorashada madaxweynaha Dalka,isla markana ay ogaadaan in dadka wax dhisanayo ay yihiin Soomaali.

Musharaxiin badan ayaa waqtigaan waxa ay u taaganyihiin qabashada xilka madaxweynaha Soomaliya kuwaas oo gaaraya 24-musharax iyada oo gudiga qabanqabada doorashada madaxweynha ay horay u shaaciyeen in la qabanayo doorashada kama dambeysta ah 8-Bishaan.

Halkaan Ka Dhageyso Codka.

Cumar Cabdi Rashiid

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media