Xassan Cali Kheyre ra’isul wasaaraha cusub ee xukuumada, Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo madax kale ayaa ka qeyb galay maanta isu-soobax roobdoon oo uu dhawaan Iclaamiyey madaxweyne Farmaajo kaasi oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.
Boqolaal dadweyne oo ka kala yimid xaafadaha Muqdisho iyo madaxdaasi ayaa Salaad Roobdoon ku oogay masjidka weyn ee Isbahaysiga, waxaana alle dadkaasi ay ka baryeen inuu dhibaatada ka qaado dadka soomaaliyeed ee ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Dalka.
Ra’isul wasaare Kheyre ayaa halkaasi ka hadlay salaada kadib,waxaana u duceeyey umadda soomaaliyeed, allana uga baryey inuu dhibaatada ka dul qaado.
Halkaan hoose ka dhageyso Codka.