DHAGEYSO: Ra’isul Wasaare Kheyre oo Amaanay Shaqada Wasaaradda Maaliyada

Ra’isul wasaaraha xukuumada Soomaaliya mudane Xassan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrimaha shaqo wasaaradda maaliyada ee xukuumada, islamarkaana ku amaanay howlwadeenada wasaradaas,sida ay u maareeyeen dhaqaalaha dowldda mudada 53-da maalmood oo ay jirto xukuumada cusub.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa sheegay in xafiiskiisa uu ka war hayo dhaqdhaqaaqa lacagaha soo galo iyo kuwa ka baxa wasaaradda, islamarkaana ay wada shaqeyn toos ah la leeyihiin wasaarada, si loola socda meelaha ay wax ku baxayaan, waxaana uu tilmaamay shaqadaasi la qabaty inay fududeysay in shaqaalaha rayidka ee dowladda ay mushaaraadkooda toos u qaataan seddexda Bil ee ugu horeysay Sanadkan.

Halkaan hoose ka dhageyso Codka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media